Monday, June 23, 2025

Puntland oo abaabushay bannaanbax lagu ceebeynayo madaxda dowladda Federaalka

Maamulka Puntland ayaa magaalada Garowe maanta ka qabanqaabiyay banaanbax  looga soo horjeedo  dhismaha maamulka Gobolada Dhexe ee ka socda magaalada Cadaado iyo taageerada ay mamulkaasi siiyeen madaxda sare ee dowladda Federaalka.

Dadweyne isugu soo baxay magaalada Garowe ayaa isugu tegay fagaaraha Baraxada, waxaana khudbad u jeediyay mas’uuliyiin ka trisan maamulka Garowe iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, waxaana goobta kasoo xaadirin madaxda sare ee Puntland iyo wasiirada maamulkaasi.

jawariww

Gudoomiyaha Nugaal Cabdilaahi Ciise Axmed ayaa laga soo xigtay  inuu ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay taageeraan  maamul uu sheegay inuu ka hor imaanaya Dastuurka KMG ah ee dalka,

Ad

Waxyaabaha la yaabka leh oo dadkii bannaanbaxayay siteen waxaa ka mid ahaa  boorar ay ku qoran yihiin:  “Qaran Dumis Jawaari”  iyo “Qabiil Doone Xasan Shiikh”. 

xasanqq

Puntland ayaa qeylo dhaan dheer ku jirtay tan intii uu socday dhismaha maamulka Galmudug ee Cadaado gabagabo ka maraya, waxaana ay hadda ka gaartay meeshii ugu dambeysay iyadoo  dacaayadeyneysa madaxdii Qaranka.

Goobjooge.net

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON