Puntland ayaa beenisay wararka sheegaya in Markab lagu afduubtay xeebaha deegaanada maamulkaasi, waxayna qiratay in ciidamo ka socda ay galeen Markabka, kana qaateen hub saarnaa.
Wasiirka Kalluumeysiga Puntland, Eng Maxamuud Xaaji Saalax, ayaa sheegay in markabka looga shakiyey kalluumeysi sharci darro ah iyo inuu sido Wasaq, markii uu xeebta Gardafu kusoo dhowaaday in muddo ahna uu halkaasi ku wareeyay, kadibna ciidamada Puntalnd ay u tagaan si ay usoo hubiyaan.
“Habeen hore ayaa ciidan 6 askari ah u tageen markabka si ay u hubiyaan, waxaana la xaqiiqijey in Markabka laga leeyahay dalka Panama oo ay ciladi qabsatay isagoo shidaal uu ka keenay Imaaraadka u socda magaalada Muqdisho, waxaana saarnaa 20 shaqaale ah..” ayuu yiri Wasiir Maxamuud Xaaji Saalax.
Wuxuu intaas ku daray in Markabka laga yaabo inuu socdaalkiisa sii wato, isla markaana aysan jirin cid heysata ma uu u xayiran yahay; wuxuuse qiray in ciidamada loo diray markabka ay si khalad ah uga qaateen 3 qori oo saarnaa markabka, haddana ay ku jiraan dadaal dib loogu celinayo oo arrintaasi ay ahayd khalad ka dhacay ciidamada, sida uu yiri.
Wakaalada wararka Reuters ayaa shalay qoray War ku saabsan in Burcad Badeed Soomaali ah ay Markab shidaal ku afduubatay xeebaha Puntland.
