Wasarada Warfaafinta maamul goboleedka Puntland ayaa maanta ku dhawaaday in Idacadaha ka dhisan Puntland aysan baahin karin Idaacada Radio Muqdisho ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Wasaaradda warfaafinta Puntland ee Garowe ayaa lagu sheegay in waayadan dambe ay bateen idaacadaha ka howlgala gudaha Puntland inay dhex maraan idaacado kale oo ay maamullo kale leeyihiin sida Radio Muqdisho oo ay leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya sidaasi darteedna ay tahay mid ka hor imaaneysa Sharcigooda.
Amarkan ayaa sidoo kala lagu war galiyay ururka suxfiyiinta Puntland , dhammaan idaacadaha FM-ka, Taliyaasha qaybaha booliska gobaladda, Gudoomiyaasha gobaladda, xeer ilaaliyaha guud iyo madaxda Puntland. Wasiirka warfaafinta Maxamauud Xasan Soocade ayaa sheegay idaacaddii amarkaan diida in laga qaadi doono warqada shaqada isla markasna lasoo taagi doono maxkamadda awooda u leh.
Puntland ayaa xiisad siyaasadeed kala dhaxeysaa dowladda Federaalka qeybo ka mida iyadoo marba adeegsata go’aano ka dhan ah oo kani ka mid yahay
AKHRI WAREEGTADA
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]