Shirkii golaha wasiiradda maamulka Puntland ee maanta ka dhacay Magaalada Garowe ayaa looga hadlay weerarka kooxda Al-Shabab kusoo qaaday deegaanada xeebaha Puntland, waxaana laga soo saaray qoraal ay ku sheegeen inuusan jirin wax is xog dhaafsi ah oo ka dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulada kale ee dalka ka jira, taasoo keentay in oogagan hubaysan ay si fudud uga soo dhaqaaqeen Hobyo iyo Xaradheere kuna duuleen Puntland.
Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa dhinaca kale ku eedeeyay ciidamada ka socda NATO ee ku sugan Badda Soomaaliya inasan qeyb qaadan duulaanka dagaa yahanadan Alshabaab ku qaadeen Puntland.
HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GOLAHA WASIIRADA PUNTLAND
Goobjooge.com