Golaha Wasiirada maamul Goboleedka Puntland ayaa shirkoodi caadiga ahaaa ee maanta uga kasoo saaray digniinku saabsan qaabka loo wado shirka maamul u sameynta Mudug iyo Galguduud ee magaalada Cadaado, iyadoo sheegay in shirkaasi uu baal maray dastuurka KMG ah iyo heshiiyadii dowladda Federaalka iyo Puntland wada saxiixdeen.
Xukuumadda Puntland ayaa la sheegay inay go’aansadeen in shirka Cadaado uu halis ku yahay jiritaanka Puntland. Golaha Wasiirada ayaa caddeeyay inay dhowaan soo saarayaan go’aan rasmi ah oo ku saasban go’aanada lagu gaaray iyo qoraalo ay sheegeen inay dhiilo xambaarsan yihiin oo ka soo baxay shirka Cadaado.
Puntland waxay ku hanjabtay in haddii shirka Cadaado uu kusii socdo wadada uu qaaday ee ah inuu sheegtaan dhulka Puntland ka tirsan uu sababi karo colaad sokeeye, Puntland ayaa ku sheegtay inay difaaci doonto dhulkeeda, ayna ka digeyso in la sheegto dhul Puntland hoos yimaada.
Ergada shirku Cadaado ayaa dhowaan ansixiyay Dastuur dhigaya in maamulka ay dhisayaan xuduudkiisa dhankiisa Waqooyi uu la wadaago Nugaal.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]