Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka hor yimid go’aankii dowladda Soomaaliya ku mamnucuday Qaadka yimaada dalka Soomaaliya.
Afhayeenka Madaxtooyadda Puntland Quraan jecel oo caawa la hadlay warbaahinta ka dhisan Puntland isagoo jooga Muqdisho ayaa sheegey in go,aanka dowlada federaalka Soomaaliya aanay waxba ka quseyn Puntland.
Wuxuu sheegay in Garoomada Diyaaradaha Puntland u furan yihiin diyaaradaha Qaadka ka keena dalka Kenya, isagoo ku eedeeyay Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowlada Soomaaliya inay kala tashan go’aankeeda.
Hadalkan ayaa caddeyn u ah xaalada maamulka Puntland ku sugan yahay iyadoo ay galabta Muqdisho kulan ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo wasiiro uu ka mid yahay Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Jaamac Jangali ee kasoo jeeda degaanada Puntland.
Somaliland ayaa isla maanta iyaduna ku gacan seyrtay go’aanka dowladda Soomaaliya ku joojisay Qaadka oo weliba Kenyau balan qaaday inay degaanadeeda u soo wareejiyaan Qaadka ay geyn jireen Koonfurta Soomaaliya.
DHAGEYSO AFHAYEENKA
Goobjooge.com