Maamulka Puntland ayaa ka hor yimid xeerka saxaafadda Soomaaliya ee uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana ay maanta soo bandhigtay Wasaaradda Warfaafinta xukuumadda xilka sii heysa.
Wasiirka Warfaafinta Puntland C/llaahi Cali Xersi (Timocadde) ayaa sheegay in xeerka dowladda Federaalka aanu quseyn maamulka Puntland, isla markaana ay leeyihiin xeer u gaara Puntland, kaasina ay ku dhaqmayaan.
Wasiirka oo u warramay BBC-da ayaa shaaciyey in isagoo ah Wasiirka Warfaafinta Puntland aanu la socon, waxba ka ogeyn xeerka dowladda Federaalka, isla markaasina aanu ka shaqeyn doonin degaanadooda.
Arrintan ayaa timid markii uu madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo saxiixay Xeerka Saxaafadda Soomaaliya oo Aaba aqal ee Baarlamaanka ay ansixiyeen Bishii Janaayo ee sanadkan 2020, iyadoo xilligaasi uu heystay madaxweynaha ayna cabasho ka gudbiyeen saxaafadda madaxa bannaan.