Wednesday, June 25, 2025

Puntland oo keligeed lagu casuumay shir looga tashanayo Dhismaha Maxkamadda Dastuuriga

PuntlandShir looga dooday sharciga dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka oo ka mida Hay’adaha Sharciga ah ee aan lagu guuleysan in dalka laga dhiso intii uu xilka hayay madaxweyne Xasan  Sheekh ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo uu shirkaasi ka qeyb galay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari .

Shirkan looga hadlayo sharciga dhismaha maxkamadda dastuuriga ee horyaalla Barlamaanka Federaalka oo marayy akhrinta 1-aad waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirka caadaaladda, xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka, guddiga garsoorka Golaha shacabka Soomaaliyed iyo Wasiirka cadaaladda ee maamulka Puntland.

Wasiirka ka socday maamul Goboleedka Pubtland ayaa ahaa mas’uulka kaliya ee ka socday maamul Goboleedyada dalka ka jira ee shirkaasi ka qeyb galay, iyadoo  dhowaanahan ay isu soo dhowaanayeen maamulka Puntland iyo dowladda Federaalka iyadoo aan la ogeyn  waxa ka danbeeyay isu soo dhowaanshahan gaarka ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON