Maamul Goboleedka Puntland ayaa qarka u saaran inuu ku dhaco shirqool siyaasadeed kadib markii ay diiday qaabka doorashada 2016, isla markaana fashil ku dhamaaday shirkii wakiilada beesha caalamka iyo maamulkaasi dhowaan maray.
Shirqoolka u yaala Puntland ayaa ah in dowladda Federaalka ee hadda jirta xilliga loo kordhiyo mar haddii la isku waafaqi waayo qaabka doorashada u dhaceyso, taasoo hadda noqotay qodob ay ka fekereyso beesha caalamka, waxaana taasi Puntland uga darran tahay 4.5-ka ay diidan tahay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntalnd C/weli Gaas oo ka mid ahaa siyaasiyiinta aamisan in waqti kordhin loo sameeyo dowladda Federaalka oo si hoose arrintaasi looga soo xigtay taasoo beesha caalamka wax ka weydiisay.
Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay ayaa go;aan cad ka gaaray inaan wax muddo kordhin ah loo sameynin hay;adaha dowladda Federaalka marka uu xiligoodu dhammaado, taasoo ah arrinta hortaagan muddo kordhinta.
Wadahadallo kale ayaa dhexmari doona dowladda federaalka iyo wakiilada beesha caalamka, waxaana muuqata in diidmada Puntland ee qaabka doorashada oo aanay jirin qorshe kale oo la isku waafaqi karo ay tahay fursad kale oo dowladda hadda jirta ku heli karto muddo kordhin.
Goobjooge.com