Maamulka Puntland ayaa ka digay in iyadoo marmarsiiyo laga dhiganayo cudurka Coronavirus dib loo dhigo Doorashada dalka ee qorsheysan inay dhacdo 2020/2021.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa Garowe ka sheegay in Doorashada Soomaaliya ay tahay Dastuuri, haddii si laga maarmi karo dib ugu dhacda ay keeni karto qalalaase dalka ka dhaca.
Wuxuu intaas ku daray inay qasab tahay iyadoo uu cudurku jiro in la qabto Doorashada dalka 2020/2021, wuxuuna caddeeyay in madaxda dalka haddii ay isku dayaan inay ka faa’iideystaan xaaladda soo korortay si ay waqtiga u dheereystaan ay taasi dhalineyso xasilooni darro iyo qalalaaase dastuuri ah.