Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay inay si buuxda u qaadacday Guddiyada heer qaran ee Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ay shalay ansixyeen. War uu soo saaray madaxweyne ku xigeenka Puntland ahna kusimaha madaxweynaha C/xakiin C/llaahi Cumar (Camey) ayaa lagu caddeeyay inay Puntland qaadacday magacaabidda iyo ansixinta Guddiyada Doorashooyinka, Adeega Garsoorka , Xuduudaha iyo Federaalka.
Isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Gaalkacyo wuxuu madaxweyne ku xigeenka Puntland ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya inay jebiyeen qodob dastuuri ah kaasi oo dhigaya in dowladaha xubnaha ka ah federaalka la-tashiyo lagala sameeyo magacaabista gudiyadaas iyo weliba heshiisyadii ay saxiixdeen Puntland iyo madaxda dowladda Federaalka oo ku saabsanaa in Puntland lagala tashado guddiyadda heer qaran ee la dhisayo.
Go’aanka qaadacaadda Puntland ee guddiyada la magacaabay ayaa ahaa mid la sugayay, iyadoo muddooyinkii ugu danbeeyay ay Puntland olole ugu jirtay inay talo ku yeelato dhammaan go’aanada heer federaalka ee dowladda Federaalka u xil saaran tahay, waxaana sii kordhaya ciriiriga ay Puntland ku heyso dowladda federaalka iyo hay’adaheeda kala duwan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]