Monday, June 23, 2025

Puntland oo qeylo dhaan ka keentay Shirweynihii dhalinyarada ee Muqdisho

Maamul Goboleedka Puntland ayaa qeylo dhaan ka daba keentay shirweynihii dhalinyarada oo maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyadoo uu soo xiray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Agaasimaha Wasaaradda Dhalinyarada Puntland Axmed Cabdalla Tigaana oo shirka ka qeyb galay  ayaa sheegay  inuu musuq maasuq ka jiray shirkaasi iyadoo dhalinyarada ka timid Puntland aanay soo magacaabin ee urur dhalinyaro uu soo xulay sida uu ku dooday.

Wuxuu ku dooday in Dhalinyaradii Puntland  si musuq maasuq ah looga qeyb geliyey shirka mar haddaanay wasaaradooda ka war qabin oo urur ka jira Muqdisho laguna magacaabi Maan uu howshaas ku dhaqaaqay.

Ad

Wuxuu kaloo mas’uulka Puntland sheegay inay hay’ada UN-ka ee shirkan qaban qaabiyay ay ka codsadeen shir kale oo lagu qabto Puntland. Puntland ayaa caadiyan la loolanta dowladda Federaalka iyadoo  marar badan u dhaqan dowlad la siman tan federalka Soomaaliya.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON