Maamulka Puntland ayaa shaqadii ka joojiyay TV-ga Afka Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL TV, iyadoo lagu eedeeyay iska horkeenka maamulka & Shacabka Puntland.
Qoraal kasoo baxay wasiir ku xigeenka xilka sii haya ee Puntland ayaa lagu sheegay in Telefishanka Universal ku dhaqaaqay iska hor keenka iyo khalkhal gelinta amniga Puntland.
Maamulka Puntland ayaa la sheegay inay ka caroodeen barnaamij gaar ah Telefishanka ka diyaariyay waxqanadka iyo shaqada Madaxweynaha dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA