Tuesday, June 24, 2025

Puntland oo sheegtay in Dagaalka Tukararaq socon doono & Dadaalkii IGAD iyo Q/Midoobay oo fashilmay

Maamulka Puntland ayaa shaaciyey inaysan waxba ka soo bixin dadaalladii nabdeed ee ay wadeen Qaramada Midoobey iyo IGAD ee lagu raadinnaayey nabad ka dhacda  degaanka Tukaraq.

Madaxweyne Ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in Somaliland aysan dooneyn nabad, waxa la isku heystan u yahay dhul ay Puntland leedahay, islamarkaana ay dagaallada ay sii socon doonaan inta Somaliland ay ka baxayso dhulka Puntland.

Mudane Camey ayaa caddeeyay in Puntland aysan qaadan doonin nabadgelyo qoor qabasho ah, weligeedna aysan dhicin, haddana aysan dhici doonin. “IGAD iyo UNSOM waa shirkii labaad, waxaanse kuu hubaa inaysan waxba ka soo kordhin… Haddii nala kalifo dagaalku waa soconayaa..” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Ciidamada maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa dhowr Bilood isku horfadhiya degaanka Tukaraq ee gobolka Sool ka dib dagaal culus oo halkaasi ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON