Monday, June 23, 2025

Puntland oo tallaabo ka qaadeysa Sheekh sheegtay inuu Daweyn karo Cudurka Coronavirus

Maamul Goboleedka Puntland ayaa sheegay in tallaabo laga qaadayo Sheekh muran badan dhaliyey oo sheegay inuu daweyn karo Cudurka Coronavirus.

Wasiirka Cadaaladda Maamulka Puntland Cawil Sheekh Xaamud ayaa sheegay inay jirto Dacwad laga gudbiyey Sheekha lagu magacaabo Sheekh Cabdul-xaq oo loo yaqaan Sheekh Rusheeye, kadib markii uu ku kacay marin arrimo habaabin ah, wuxuuna intaas u daray in arrinta Sheekhaasi gacanta lagu hayo.

Wasiirka ayaas heegay inay jiraan cabasho badan oo ka timid Sheekh Rusheeye, isla markaana uu rajeynayo in howlaha uu ka wado Puntland aysan dib danbe u dhici doonin, wuxuuna khuraafaad ku tilmaamay sheegashadiisa ah inuu daweyn karo cudurka Coronavirus.

Ad

Sheekh Rusheeye ayaa xarumo Qur’aan-saar ah iyo qaar lagu tacbo Isha iyo Jinniga ku leh degaanada Puntland.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON