Saturday, July 5, 2025

Puntland Telefishanka Qaranka ka mamnuucday degaanadeeda & Ahluna oo xirtay Radio G/gaduud

Maamul goboleedka Puntland ayaa Telefishanka dowladda Federaalka ee SNTV ka joojisay shaqadii uu ka hayay degaanada Puntland kadib markii ay ku eedeysay inuu been abuur ka faafiyay qaxootiga kasoo qaxay dalka Yeman ee kasoo degay dekadda Boosaaso.

Qoraal uu ku saxiixnaa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland  C/llaahi Xaashi Warsame ayaa lagu sheegay in Telefishanka SNTV uu been abuur ka sameeyay gurmadka ay Puntland u sameysay dadka qaxootiga ay ee ka yimid Yeman, sidaas darteedna la xiray xafiiskii telefishanka ee Puntland.

Hoos ka akhriso qoraalka

 

SNTV-puntland

Dhinaca kale kooxda Ahlu suna ayaa iyaduna albaabada isugu dhufatay idaacadii Galgaduud xafiiskeeda Guriceel oo ay ku eedeeyeen inay baahiso warar ku saabsan dowladda federaalka iyo shirka Cadaado.

Labadan dhinac ayaa dowladda Federaalka kala dhaxeysaa xiisad siyaasadeed iyadoo khilaafkaas u muuqdo inuu hadda saameyn ku yeeshay warbaahinta.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML-1″]

 

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON