Guddi Q/Midoobay u qaabilsan cunaqabateynta hubka Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saarteen ku eedeysay dowladda Imaaraadka Carabta in ay jebiso cunaqabateynta Hubka ah ee saaran Somaaliya.
Guddigan ayaa warbixintooda ku caddeeyay in Imaaraadka hub Hub sharci darro iib iyo deeq ahaan u siiyo Maamullada Soomaaliya ka jira, taasoo dhibaato ku keeneysa xasiloonida Soomaaliya.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in taageerada Imaaraadka ee Maamullada qaar ee Soomaaliya ay horseedi karto in ay dib u soo laabtaan Burcad badeedda Soomaaliya sidoo kalena dhibaato weyn ku tahay halganka loogu jiro xasilooni soo celinta Soomaaliya.
Kooxda dabagalka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya iyo Eritrea ayaa sheegay inay caddeyn buuxda u hayaan in Markab uu hub saaran yahay oo ay leedahay dowladda Imaaraadka oo siday hub iyo qalab mamnuuc ka ah Soomaaliya lagu afduubay Biyaha Soomaaliya, lana qabtay ka hor inta uusan gaarin Soomaaliya.
Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Midowga Yurub ayaa duubay Markabkaas oo tagay Xeebaha Soomaaliya, kaas oo labo doomood ay ugu yimaadeen halka uu ku soo xirtay isla markaana laga dejiyay Hubkii uu waday.
Guddigu waxaa ay sheegeen in dhismaha saldhigga Milatariga ee Imaaraadka ka dhisayo Berbera uu xadgudub ku yahay cunaqabateynta saran Soomaaliya,markii ay wax ka weydiiyeenna aysan ka jawaabin su’aalahooda.
Imaaraadka Carabta oo Gawaari gaashaaman iyo gaadiid dagaal ku wareejiyay Axmed Madoobe