Monday, July 14, 2025

Q/Midoobay oo ku adkeysatay in Nicholas Haysom weli yahay Wakiilkeeda Somalia [Daawo Afhayeenka UN-ka]

Qaramada Midoobay iyo xoghayaheeda guud Antonio Gutters ayaa la sheegay inay ku adkeysteen wakiilkooda u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom uu weli yahay ergeygooda Soomaaliya, siina wadi doono xilkiisa.

Afhayeenka UN-ka Farhan Haq, ayaa shirkii jaraa’id ee ka dambeeyay fadhigii Golaha Amniga ka yeeshay arrimaha Somalia ka sheegay inaysan wax faafhaahin ah ka helin dowladda Soomaaliya, welina ay raadinayaan warbixin dheeraad ah oo ku saabsan go’aankii dowladda Somalia ka qaadatay Nicholas Haysom.

Warkan ayaa soo abxay wax yar kadib markii uu Nicholas Haysom ka hor hadlay golaha ammaanka, isagoo warbixin dheer ka siiyay Golaha Xaaladda Soomaaliya, balse aanu soo hadal-qaadin go’aanka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ee ku aadan inaan laga rabin Somalia.

Afhayeenka UnN-ka ayaa sheegay in Wakiilka xoghayaha guud ee Soomaaliya uu weli heysto kalsoonida xoghayaha guud, isagoo warbixin siiyey Golaha Amniga wax yar ka hor..  ayna rajeynayaan inuu shaqadiisa ku laabto, laakiin aanu heyn faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan go’aanka dowladda Somalia.

HOOS KA DAAWO SHIRKA JARAA’ID

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON