Q/Midoobay ayaa soo saartay warbixin ku saabsan dilkii saxafigii caanka ahaa ee u dhashay dalka Sacuudiga oo lagu dilay Qunsuliyadda dalkaasi ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Warbixinta kasoo baxday maanta guddiga Q/Midoobay u qaabilsan baarista Dilalka ka baxsan sharciga oo ay madaxda u tahay haweeneyda lagu magacaabo Agnes Callamard ayaa lagu sheegay in dilka Jamal Kashoqgi uu ahaa mid la sii qorsheeyay oo ay ku lug lahaayeen mas’uuliyiin uu ka mid yahay dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga Mohamed Bin Salmaan, si toos ahna ay uga danbeysay dowladda Sacuudiga.
Agnes Callamard oo ah khabiir dhinaca xuquuqda aadanaha qaabilsan ayaa warbixinteeda ku sheegtay in falka lagu dilay Saxafiga Sacuudiga ee ka dhacay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul uu Sacuudiga ku xad gudbay sharciyada diblomaasiyadda dunida, waxaana looga dalbaday Sacuudiga inuu raaligelin siiyo Dowladda Turkiga oo dhulkeeda denbigaasi laga fuliyey.
Dilka saxafiga Jamal Kashoqgi ayay ku tilmaamay warbixinta Q/Midoobay inuu ahaa dembi weyn oo laga galay bani’aadamnimada loona baahan yahay in maxkamadaha dunida ay qaadaan, loona sameeyo maxkamada caalami ah, iyadoo Sacuudiga ku eedeysay inay hor istaagay cadaalad uu helo weriyaha la dilay, baaritaanka Sacuudiga ujeedkiisu ahaa in xaqiiqada lagu daboolo.
Warbixinta Q/Midoobay Guddiga u qaabilsan Baarista Dilalka ka baxsan sharciga ee ay hoggaamiso Agnes Callamard ayaa si toos ah u sheegay inuu jiro xiriir ka dhaxeeya dilka Jamal Khashoqgi iyo dowladda Sacuudiga oo ahaa mid qorsheysan oo madaxda Sacuudiga ay fuliyeen.