War dhowaan kasoo yeeraty Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ku saabsanaa in la qaban doono cid kasta oo fiiso la’aan ku soo gasha gudaha Puntland ayaa dhaliyey dood ku saabsan cidda loola jeedo.
Wasiirka ku xigeenka oo warkiisa laga sii daayey telefishanka Puntland ayaa yiri: “Dalkan Puntland waxaa lagu soo geli karaa waa fiiso, cid kasta oo tahriib iyo sharci –darro ku soo gasha waa demnbiile, xabsi bay galeysaa dalka Puntland waa la qabanayaa maxkamad baana la horkeenayaa.. tahriibta lama oga..” , Wasiir ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku cad in loola jeedo tahriibayasha.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay sheegay in Ciidamada amniga fasax ay u qabaan inay qabtaan ruuxii si sharcidaro ah ku soo gala deeganada Puntland.
Puntland waxaa taga dad kala duwan oo Somali & ajaanib isugu jira, waxaan si weyn ugu badan tahriibayaasha Itoobiyaan, waxaana warka wasiirka uu saameynayaa ajaaniibta tahriibta ah sida ku cad warkiisa, iyadoo aysan jirin qaab Soomaalida kale Fiiso ugu qaadan karaan Puntland.