Friday, June 27, 2025

Qaar ka mida Maleeshiyooyin u soo gurmaday Madaxweyne Xaaf oo laga saaray Magaalada Caado

Maleeshiyooyin fara badan oo magaalada Cadaado yimid kadib xiisada siyaasadeed ee madaxda Galmudug ayaa qaarkood laga saaray magaalada, sida ay sheegeen xildhibanano ku sugan magaalada.

Maleeshiyadan oo taageersan Madaxweynaha  qaar ka mida xildhibaannada Galmudug ay xilka ka qaadeen ayaa la geeyay degaanka Gelinsoor ee duleedka Cadaado, halkaasoo xalay ay kula hadleen saddex xildhibaan oo ka mida xildhibaannada jooga magaalada Cadaado.

Xidhibaan Mahad Salad ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadan ay saaka  kula hadleen Magaalada Gelinsoor, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan howshan si magaalada Cadaado looga saaro ciidamada ku haray.

Xaalada Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug ayaa  maanba degan, inkastoo khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug aan wax xal ah loo helin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON