Wednesday, June 25, 2025

Qaar ka mida Weriyeyaasha Muqdisho oo Baroordiiq u sameeyay saxafiga Jamal Khashoqgi [Sawirro]

Qaar ka mida saxafiyiinta magaalada Muqdisho ayaa u baroordiiqay saxafiga Sacuudiga ah ee lagu dilay dalka Turkiga, waxayna codsadeen inuu caddaalad helo weriye Jamaal Khashoqgi.

Weriyayaasha oo ah kuwa ka howlgala xarunta warbaahinta Goobjoog ayaa isugu soo baxay iyagoo sita boorrar lagu xardhay sawirrada weriyaha Sucuudiyaanka ah ee lagu dilay Qunsuliyadda Istanbuul ee dalka Turkiga.

Maxamed Boosh oo ka mida saxafiyiinta ka qeyb galay isu soo baxa Muqdisho ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka weriyaha isla markaasna ay dareen mid ah wada leeyihiin weriyeyaasha.

Muuqaallada weriyeyaasha isugu soo baxay Muqdisho ayaa si weyn loogu baahiyey baraha bulshada iyagoo soo jiitay dood looga horjeedo iyo qaar taageraya, waxayna arrintan ka dambeysay markii wasaaradda arrimaha dibadda Somalia ay taageertay baaritaankii xeer ilaalinta Sacuudiga ee dilka saxafigan.

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoor

Image may contain: 6 people, beard, sunglasses and outdoorImage may contain: 11 people, crowd and outdoorImage may contain: 6 people, people smiling, outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON