Monday, June 23, 2025

Qaar ka mida Xaafadaha Magaalada Muqdisho oo laga diiday Lacagta Shilin Soomaaliga [Akhri sababta]

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ganacstada xaafado ka mida magaalada Muqdisho ay bilaabeen inay diidaan lacagta shilin Soomaaliga.

Dadka degaanka ayaa soo sheegay in xaafadaha qaarkood iyo ganacsatada suuqyada ay diideen qaadashada laacagta shilin Soomaaliga markii saaka ay fureen ganacsiyadooda, iyadoo ganacsatada sarifka ay  kordhiyeen qiimaha sarifka Doolarka ee lagu bedelanayo Shilin Soomaaliga.

Arrintan ayaa laga soo weriyay xaafadaha degmooyinka Dharkeynley, Yaaqshiid iyo Kaaraan  oo dadweynaha ay saaka ka war heleen inay jirto diidmo bilow ah oo lacagta shilin Soomaaliga lagu diidayo.

Ad

Ganacsatada qaarkood ayaa diidaya inay wax ku iibiyaan lacagta Soomaaliga iyadoo aanay jirin sabab cad oo arrintan ka dambeysa, waxayna hore arrintan uga dhacday labadii maalmood ee ugu danbeysay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Jowhar, halka magaalada Beledweyne ay gebi ahaan ka istaagtay lacagta Shilin Soomaaliga.

Ganacstada qaarkood ayaa ku doodaya in lacagta cusub ee ay sheegtay in dowladda Soomaaliya ay soo daabaceyso ay uga sii dartay xaaladda, waxaana laga cabsi qabaa inay sarifka doolarka uu cirka isku shareero.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON