105 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Kenya ayaa mooshin xil ka qaadis ah u diyaariyay madaxweynaha dalkaasi Uhuru Kenyatta, iyagoo ku eedeeyay inuu ku xad-gudbay dastuurka, sida uu daabacay wargeyska The Star ee kasoo baxay Kenya.
John Mbadi oo hoggaaminaya xildhibaannadan ayaa sheegay inuu rajeynayo in arrinta mooshinka ay soo gunaanadaan dhamaadka toddobaadka lagu jiro, isaaoo xusay in ay mooshinkoodau raadinayaan taaageero dheeri ah. Sidoo kale xidhibaan Mbadi wuxuu sheegay in mooshinku u baahan yahay taageerada 349 xildhibaan ka hor inta aan loo gudbin golaha baarlamaanka si ay uga doodaan.
Madaxweynaha ku xigeenka Kenya William Ruthu ayaa hore u sheegay inuusan mooshinkaasi meel mari doonin oo sharci darro yahay, wuxuuna markiisii hore salka ku hayay heshiis dowladda Kenya la gashay dalka Uganda oo ku saabsan sokor Kenya ka soo iibsaneyso dalkaasi.
Isbahaysiga mucaaradka ah ee Kenya CORD oo uu hoggaaminayo Raila Odinga ayaa si weyn uga soo horjeeda xisbiga talada dalka Kenya haya ee JUBILEE oo uu hoggaamiyo Uhuru Kenyatta. Xildhibaanda qeybta ka ah mooshinkan ayaa la filayaa inaysan heli cod ku filan balse ay cadaadis ku saaraan madaxweyne Uhuru oo ay ku eedeeyaan inuu sidoo kale ku takri falay hantida qaranka.
Goobjooge.com