Monday, August 4, 2025

Qaar ka mida Xildhibaannada kasoo jeeda Digil/Mirifle oo Weerar Afka ah ku qaaday Guddoomiye Jawaari [Yaa abaabulay..?]

Xildhibaannada kasoo jeeda Beesha Digil & Mirifle qaarkood ayaa goor dhoweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa taageeray mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari).

Kulankan oo la sheegay inuu soo abaabulay madaxweynaha maamulka K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxaa ka dhex muuqda xubno aad ugu dhow Shariif Xasan, waxayna shirkooda jaraa’id ku sheegeen in xildhibannada Beesha Jawaari kasoo jeeda ay taageersan tahay in xilka laga qaado Jawaari.

Xildhibaan Maxamed Sheekh Xuseen ayaa shirka jaraa’id ka sheegay in khaladaad uu galay Jawaari uu keenay in mooshin laga keeno, ayna u so jeedinayaan inuu is casilo, si sharaftiisa aan waxba loogu dhimin, iyagoo ah aqbaliyadda xildhibaannada Beesha uu kasoo jeedo Guddoomiye Jawaari.

Ibraahim Yarow oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul ugu dhaliilay Guddoomiya Jawaari hoggaankiisa oo uu sheegay inuu yahay mid fashilmay isla markaana ay doonayaan xildhibaannada beeshiisa kasoo jeeda inay  caddeeyaan inay qeyb ka yihiin Mooshinka.

Waxaa kaloo goobta ka hadlay xildhibaan Shariif Cabdalla iyo xubno kale oo aad ugu dhow Shariif Xasan iyadoo ugu baaqay Guddoomiye Jawaari inuu is casilo, maadaama uu yahay nin oday ah oo aanay ku wanaagsaneyn in Baarlamaanka dhexdiisa lagu jiido laguna sharaf tiro.

Shirarka jaraa’id ee looga horjeedo Guddoomiya Jawaari ayaa qeyb ka ah olole lagu doonayo in cadaadis lagu saaro Maxamed Cismaan Jawaari inuu xilka iskiis uga dego.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON