Wadooyinka waweyn ee magaalada Muqdisho ayaa saaka xiran shir caalami ah oo ka dhacay caasimadda.
Gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka ah ayaa laga hor isaagay wadooyinkaasi, iyadoo ciidamo fara badan la dhigay isgoysyadaBanaadir, Zoobe, Taleex, KM4, Shaqaalaha iyo kuwa kale oo saaka xiran.
Kooxda Soomaaliya ee Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan wasiiro ka socda 14 dal, taasoo keentay in la xoojiyo amniga caasimadda.
Muqdisho ayaa caadiyan wadooyinkeeda la xiraa marka ay wufuud caalami ah imaaneyso magaalada, waxayna saameyn ku yeelataa isu socodka iyo ganacsiga.