Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo diyaargarow loogu jiro in lagu doorto madaxweyne cusub oo Galmudug yeelato, kadib markii khilaafka madaxda maamulkaasi uu cirka isku shareeray.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo xildhibaannada ku sugan magaalada Cadaado ayaa ayaa hore u sheegay in Guddi doorasho loo saaray doorashada magaalada Cadaado ka dhaceyso ee madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Arrintan ayaa jawaab u ah, kadib markii shalay xildhibaano ku shiray magaalada Dhuusamareeb ay sheegeen in guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ay u doorteen Ismaaciil Cabdulle Axmed oo Ahlu suna kasoo jeeda.
Maamulka Galmudug ayaa hadda u kala qeybsan laba qeybood, waxaana lagu wadaa inuu dhowaan yeesho laba madaxweyne iyadoo uu hadda leeyahay labada guddoomiye baarlamaan oo kala fadhiya Cadaado iyo Dhuusamareeb.