Dadweyne fara badan oo isugu jira mas;uuliyiin ka tirsan laamaha kala duwan ee dowladda, Qandaraaslayaal iyo shaqsiyaad doonaya inay heshiisyo iyo balanqaadyo la galaan guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ayaa hareeyay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho oo la dejiyay guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.
Dadkan oo u badan kuwo dano gaara ka leh guddoomiyaha cusub ama doonaya inaysan ka xirmin heshiisyo ay hadda kula jiraan maamulka Gobolka Banaadir ayaa bilaabay olole ay ku doovayaan inay xaqiijiyaan danahooda, heshiisyo cusubna la galaan guddoomiyaha cusub ee gobolka banaadir.
Dadka qaabilaadda guddoomiyaha cusub safka ugu jira waxaa ka mida guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banadir oo cabsi ka qaba xilalkooda iyo mas’uuliyiinta sare ee maamulka oo doonaya inay guddoomiyaha cusub bartaan, waxayna taasi keentay in isagoo aan xilka la wareegin uu bilaabo qaabilaad aan kala joogsi lahayn habeen iyo maalin.
Caadiyan madaxda dowladda ayaa waxaa maalgeliya ganacsato xilliga ugu horeeya ee ay xilka ku cusub yihiin, waxaana markiiba loogu deeqaa lacag iyo gaadiid, iyadoo markaas kadibna laga fushado dano gaara.
Goobjooge.com