Wednesday, June 25, 2025

Qaraar lagu xadiddayo ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga oo geeyay Golaha Ammaanka

Qaar kamida dalalka Golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa waqti kordhin kale u sameeyay ciidamada AMISOM ee howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ka howlgala.

Qaraarkan oo qabyo ah lana filayo in Golaha Ammaanka u codeeyo si wadajir ah ayaa AMISOM u ogolaanaya inay Soomaaliya sii joogaan ilaa sanadka danbe.

Waxaa qaraarka soo diyaariyay dowladda Britian, wuxuuna tirsigiisua yahay 2289. Laakiin wuxuu qaraarkan caddeynayaan in ciidamada AMISOM aan  tiradooda laga badin karin  22,0000 askari.

Wuxuu qaraarku caddeynayaa in Soomaaliya ku hoos jirto farqada 7-aad ee heshiiska Q/Midoobay, waxaana Soomaaliya loo aqoonsan yahay  meel xasilooni iyo amni xumo ka jirto.

AMISOM waxaa lagu dhisay go’aanka Golaha Nabadgalyada iyo Amaanka ee taabacsan Midowga Africa 19-kii Janaayo 2007-dii, kadibna waxaa ansixiyay Golaha Ammaanka ee Q/Midoobay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON