Qaramada Midoobay ayaa dalal ay Soomaaliya ka mid tahay ku dartay dalalka Liiska madow ee tacdiyada loogu geysto caruurta, laguna shaqeysto.
Waddamada Soomaaliya, Congo, Afghanistan iyo Syria ayaa safka hore ka galay goobaha ay carruurtu ku jiraan khatarta ugu badan dunida, sida ay sheegtay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Carruurta.
Waddamadaas ayey ka dhacaan ku dhowaad 60% dhammaan xadgudubyada loo gayst carruurta ee caalamka oo dhan, waxaana ay ku jiraan liiska madow ee sanadlaha ah ee ay soo saartay Qaramada Midoobay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xadgudubyadii ugu badnaa ee dhacay 2020-kii ay ahaayeen u adeegsiga caruurta ee askar ahaan iyo dilka caruurta.
Soomaaliya ayaa muddo dheer lagu eedeynayay in lagu askareeyo caruurta oo Alshabaab, dowladda Soomaaliya iyo maamullada kale ay ciidamo u qortaan caruur aan qaangaarin.
