Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Caawa Bam gacmeed lagu tuuray Maqaayad ku taalla magaalada.
Qaraxa ayaa geysatay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxayna wararkii ugu danbeeyay sheegayaan inay ku dhinteen, iyadoo afar fof oo kale ay dhaawacyo culus soo gaareen, markii Bamka lagu tuuray goob ay dad badan ku sugnaayeen.
Ciidamada amniga magaalada Kismaayo ayaa howlgal ka bilaabay goobta qaraxu ka dhacay, waana markii ugu horeysay muddo bilo ah oo weerarro argagixiso ay ka dhacaan magaalada Kismaayo.