Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax Gaari uu goor dhoweyd ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska Sope.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu horeeyay qaraxa aya ahaa mid lagu soo xiray Gaari, iyadoo uu ka dhacay Isgoyska Zoope oo ah goob mashquul badan, lama oga inuu qasaare ka dhashay qaraxa iyo in kale, iyadoo ay gaareen ciidamada Amniga oo halkaasi u dhow, waxaana istaagay isu socodka dadka iyo gaadiidka.
Gaariga qaraxa lagu xiray ayaa la sheegay inuu ahaa Gaari aanay rasaastu karin oo ay la socdeen dad Ajnabi ah, waxaana lasoo weriyey in dad goobta ka dhowaa ay waxyeelo kasoo gaartay.