Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool oo ay maamusho Somaliland ayaa sheegaya in inuu halkaasi ka dhacay qarax Gaari.
Qaraxa ayaa haleelay Gaari uu la socday Guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool ee maamulka Somaliland, Xasan Sheekh Maxamuud, kasoo la sheegay inuu qaraxaasi ku dhintay, kaasoo loogu xiray Gaarigiisa oo marayey magaalada Laascaanood.
Mas’uuliyiinta gobolka Sool iyo Maamulka Somaliland ayaan faahfaahin ka bixin qaraxaas iyo in cidda ka danbeysay, mana jirto cid sheegatay xilligan.