Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegyaa inuu Goor dhoweyd ka dhacay Qarax is-miidaamin ah oo lala beegsaday Guddoomiyaha Gobolka Bay.
Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu isku qarxiyey Goob Maqaayad oo uu ku sugnaa Guddoomiyaha Gobolka Bay Cali Wardheere Dooyow, waxaana halkaasi ka dhacay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararkii ugu danbeeyay ee Qaraxa ayaa sheegaya inuu ka badbaaday Guddoomiyaha Gobolka Bay Cali Dooyow, laakiin waxaa ku dhintay 4 qof oo qaarkood ka mid ahaayeen ilaalada Guddoomiyaha, waxaana jira dhaawacyo ka badan 10 qof.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…



