Qarax xoog leh ayaa ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadak Carabta, kaasoo gilgilay qeybo ka mida magaalada.
Qaraxa ayaa ka sheegay inuu ka dhacay Konteenar saarnaa Markab ku sugnaa dekadda weyn ee Jabal Al-ali ee magaalada Dubai, kaasoo dhaliyey Dab xoog leh.
Weli ma cada sababta dhalisay qaraxa, waxaana socda dadaal lagu damoinayo dabka ka dhashay Qaraxa, iyadoo saxaafadda dalka Imaaraadka ay sheegtay dabka lala tacaalayo, wax qasaare nafeed ahna aanu jirin.
Qaraxa oo ahaa mid culus ayaa ruxay magaalada Dubai, warbaahinta Imaaraatka ayaa sheegtay in dab xoogan uu ka kacay markab ganacsi oo marayey meel ku dhow dekedda Jebel Ali oo ku taal koonfurta magaalada Dubai.
Xafiiska warbaahinta dowladda Dubai ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku shegay in kooxaha difaaca madaniga ah ay la tacaalayaan Dab ka dhashay qaraxa konteenar saarnaa Markab ku sugnaa Dekedda Jebel Ali.
Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganeysa Kooxaha Gurmadka ee ilaalada difaaca madaniga ayaa sheegaysa inaysan jirin wax dhimasho iyo dhaawac ah.
