Monday, July 14, 2025

Qarax ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Buuloburte iyo Askari ka tirsan AMISOM oo ku dhintay

Qarax Miino oo lala beegsaday Ciidamadaa Midowga Afrika ee AMISOM ee ka socda Jabuuti ayaa ka dhacay  gudaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ay ka war heleen ciidamada in lagu aasay agagaarka Garoonka Buuloburte, ayaa dadaal ugu jiray inay ka saaraan goobta lagu aasay inta uusan Qarxin, laakiin waxaa la sheegay in mar qura qaraxay.

Wararka laga helay maamulka degmada Buuloburte ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay  Askari ka tirsanaa Ciidanka AMISOM ee dalka Jabuuti, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka ee degmada Buulaburde ayaa bilaabay Howlgallo amniga lagu sugayo iyadoo la sheegay in loo xiray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON