Friday, July 25, 2025

Qarax ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay mas’uul caan ah

Wararka laga helayo Magaalada Gaalakacyo ee  Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax lagu dilay nabadoon caan ah.

Qarax oo looga xiray Gaarigiisa ayaa ku qarxay mid ka mida aqoonyahanadda iyo Nabadoonada Mudug oo lagu magacaabo Nabadoon C/risaaq Muuse Nuur Yare.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu qabsaday gaariga uu la socday isagoo marayay agaggaarka isbitaalka Dhega-cadde ee xaafada Israac magaalada Gaalkacyo, waxaana soo gaaray dhaawac culus oo markii danbe uu u geeriyooday.

Qaraxyada khaarijinta ah ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo ayaa lala beegsadaa mas’uuliyiin iyo dadka waxgalka ah ee bulshada, waxaana magaalada kusoo noq-noqday falalkan.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON