Qarax ayaa caawa ka dhacay xaafadda Komamboga ee magaalada Kampala, dalka Uganda, kaasoo dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Booliska ayaa sheegay in qarax ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 7 qof, laakiin goobjoogayaal iyo saxafiyiin goobta tegay ayaa soo weriyey inay 3 qof ku dhinteen qaraxa, isla markaana, qasaaraha dhaawaca uu badan yahay 7.
Sida Boolisku sheegay, qaraxu wuxuu dhacay abaarihii 9 -ka fiidnimo xilli uu socay bandowga ka jira dalkaasi, wuxuuna ka dhacay goob wax lagu cuno oo lagu magacaabo Digida. “Hal qof ayaa si xun u dhaawacmay 7 kalena waa loola cararay isbitaalka Mulago, iyagoo qaba dhaawacyo culus,” ayaa lagu yiri Bayaan kasoo baxay Booliiska.
Sarkaal ka tirsan Booliska Uganda Asan Kasingye ayaa sheegay inuu qaraxa uu ka dhashay Bam. “Waxaa dhacay qarax bam. Laba qof oo ah gabadh dhallinyaro ah iyo nin si xun u dhaawacmay iyo kuwo kale oo dhaawac halis ah gaaray” ayuu yiri Kasingye.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan 3 qof ay ku dhinteen qaraxa. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira Haweeney isla goobta ku geeriyootay, haweeney kalena ay ku dhimatay isbitaalka kadib markii ay dhaawacyo ka soo gaareen qaraxa.
Booliska ayaa baaraya sababta qaraxa dhalisay, waxayna dadka ka dalbadeen inay gacan ka siiyaan sidii loo ogaan lahaa in qaraxu ka dhashay fal ula kac ah iyo in kale.
