Monday, June 23, 2025

Qarax ka dhacay Magaalada Kismaayo iyo Faahfaahin laga helay

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo, xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa sheegaya inuu caawa qarax ka dhacay halkaasi.

Qaraxa oo la sheegay ka dhashay miino la dhigay Maqaaxi ku taalla degaanka Xeebta Cagaha-geli ee Magaalada kismaayo ayaa sababtay qarax keenay qasare dhimasho iyo dhaawac leh.

Goobta qaraxu ka dhcay ayaa ahayd meel ay isugu yimaadaan dadweyn sahcab ah iyo ciidamada, waxayna wararku sheegayaan in dadkii goobta ku sugnaa ay ku waxyeeloobeen.

Ad

Laba Qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxa, halka dhowr kale ay ku dhaawacmeen, waxaana goobta xiray ciidamdaa amniga Jubbland oo baaris amni ka bilaabay.

Qaraxan ayaa kusoo beegmay iyadoo uu maanta magaalada Kismaayo dib ugu laabtay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo muddooyinkan ku maqnaa dalka Kenya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON