Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu Qarax ka dhacay degmada Wadajir iyadoo qaraxaasi uu saameeyay gaari yar oo ku bas beelay, lama shaacin gaariga iyo cidda lahayd midna…
Qaraxa oo laga maqlay degmada Wadajir iyo degaanada ku xeeran ayaa wararku sheegayaan inuu waxyeelo u geystay dadweyne ku sugnaa goobta qaraxu ka dhacay oo ay ku jiraan caruur.
Faahfaahinta ayaa soo baxeysa qaraxa, waxaana goobta tegay ciidamada dowladda iyo maamulka degmada. Qaraxa ayaa ka dhashay gaari waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay oo uu lahaa askari halkaasi degan, balse ka degay qaraxa ka hor. Lama sheegin wax qasaare ah marka laga reebo gaariga burburay.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
Goobjooge.com