Qarax ayaa goor dhow ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, iyadoo wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inuu qasaare geystay.
Qaraxan ayaa ka dhacay Garoonka loo yaqana Qoob-door ee ee u dhow xarunta degmada Kaaraan, waxaana goobta ku sugnaa koox qaabilsan wacyi gelinta cudurka Covid-19. Qaraxa ayaa loo meleynayaa inuu ahaa miinada dhulka la geliyo, waxaana goobta xiray ciidamada Amniga.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in Gaari qaabilsan Wacyi-gelinta Covid-19 oo Makarafoon ku xirnaa lala beegsaday qaraxa, waxaana ku dhintay Darawalkii Gaariga, iyadoo ay ku dhaawacmeen 3 qof oo Askar u badan.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
