Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ka dhacay saaka aroornimadii, qaraxa ayaa ka dhashay Mooto Bajaaj ah oo ay saarnaayeen saddex ruux.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Cali Gaab uu sheegay in Mootada ay ku qaraxday agagaarka iskuulka 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, magaalada Muqdisho, waxaana baxsaday laba ka mida dadkii mootada watay iyadoo la qabtay mid kale.
Qaraxan ayaan wax khasaare ah dhalin sida uu sheegay taliyaha ciidamada Booliska gobolka Banadir, waxaana xilliga uu dhacay uu ahaa aroor hore oo socodka dadka uu aad u yaraa. Mootada ayaa la sheegay inay ku socotay Degmada Xamarweyne oo qaraxa loo maleegay.
Qaraxa mootada ayaa ka horeeyay qarax saaka ka dhacay xarunta Gaadiidka Booliska Muqdisho oo ay ku dhinteen saddex sarkaal oo ciidamada Booliska ka tirsan, iyadoo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.
Goobjooge.com