Saturday, July 5, 2025

Qarax lagu weerarray Ciidamo Itoobiyaan iyo Qasaare ka dhashay..

Qarax xoog leh ayaa lagu qaaday Kolonyo ka tirsan ciidamada itoobiya oo ku sugna degmada Baardheere ee Gobalka Gedo.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu qasaare kasoo gaaray Ciidamada Itoobiya ee jooga Degmada Baardheere, iyagoo xilliga qaraxa dhacay mareyey goob u dhow xero ay halkaasi ku leeyihin.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxa oo dadka degaanka ay sheegeen inuu ahaa mid xoog leh oo qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac dhaliyay, balse ciidamada Itoobiya ayaan caadiyan ka hadlin weerarrada lagu qaado.

Alshabaab ayaa sheegtay Qaraxa oo dhowaan sidoo kale halkaasi ka fulisay qarax kale oo is-miidaamin ahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON