Wararka laga helayo Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in degaanka Buurane uu ka dhacay qarax Miino oo lala beegsaday ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya.
Qaraxa ayaa ka dhacay Xarun ay degan yihiin Ciidamada Milatariga, waxaana la sheegay inuy ku dhintay hal askari, kuna dhaawacmeen 8 askari oo kale.
Dhaawaca askartii qaraxa ku dhaawacmay degaanka Buurane ayaa loo qaaday Isbitaalka Jowhar, waxaana qaarkood dhaawacoodu ahaa mid culus.
Kooxda Alshabaab ayaa olole kale oo dagaal ka bilowday gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo ay maanta dib ula wareegtay degaanka Ceelbaraf markii ay kasoo baxeen ciidamadii dowladda.
Goobjooge.com