Wararka laga helayo Gobolka Bari ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay buuraleyda Galgala ee Gobalka Barri.
Qaraxan ayaa lala beegsaday gaari kuwa dagaalka ah oo ay leeyihiin ciidamada Puntland oo roondo ku marayey wadooyinka taga Galgala.
9 ka tirsan ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay ku dhinteen Qaraxa, waxaana jira warar sheegaya inuu geystay dhimasho iyo dhawaac soo gaaray ciidamada la weeraray.
Ciidmada Puntland iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya ayaa sanado dhowr ah ku dagaalamaya buuraleyda Galgal ee Gobalka Bari, iyadoo aan lagu guuleysan in laga saaro buurahaasi.
Goobjooge.com