Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Qarax lala beegsaday kolonyo ciidamada kumaandooska Danab ka tirsan oo marayay agagaarka Tixsiile.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa la sheegay inuu haleelay Gaari nooca Cabi Billaha loo yaqaan oo ay wateen ciidamada Danab, waxaana lasoo weriyey inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Alshabaab ayaa sheegatay in qaraxa ay la beegsatay gaadiid ay la socdeen saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanku tababarro ee Bangaraafta, ayna halkaasi ku dhinteen afar askari, iyadoo uu dhaawac kasoo gaaray saraakiil oo ka mid yahay nin lagu magacaabo Beer Yare oo ah taliye guuto.
Ma jirto cid xaqiijisay warka kasoo baxay Alshabaab, marka laga reebo in dadka degaanka ay sheegeen inay maqleen qarax xoog leh.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Kolonyada ay la socdeen Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha iyo Cabduqaadir Maxamed Nuur Sidii Saraakiil ka tirsan Millateriga Danab oo ku sii jeeday degmada Wanlaweyn.
