Wednesday, June 25, 2025

Qarax Miino oo ka dhacay Degmada Afgooye iyo qasaaro ka dhashay

Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi goor dhaw ka dhacay qarax Miino, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo xaaladda degaankaasi ay noqotay mid cakiran.

afgooye_3

Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu aasay oo wararku sheegayaan inay ku qaraxday  suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee degmada Afgooye Yuusuf Maxamed ayaa  xaqiijiyay in qaraxaasi uu ku dhintay Hal Askari, sidoo kalne ay ku dhaawcmeen Akari kale iyo shacab halkaasi ka dhowaa.

Ciidamada ammaanka ee maamulka degmada Afgooye ayaa tegay goobta qaraxa kadib , waxaana hakad  galay ganacsigii suuqa Xoolaha ee degmada Afgooye iyo isu socodka dadka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON