Thursday, July 17, 2025

Qarax qasaare dhaliyay oo lala beegsaday askarta maamulka Koonfur Galbeed ee duleedka Magaalada Baydhaba

Ugu yaraan 8 Askari  ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya  ayaa ku dhaawacmay kadib markii qarax Miino ah  oo dhulka loo geliyay lala beegsaday degaan u dhaxeysa Deynuunaay iyo Maanya-fuulka agagaarka magaalada Baydhaba.

Dhaawaca askartan ayaa yimid iyadoo ay la qaraxday miinada, waxayna wateen Gaari  Land Cruiser nooca Soomaalidu u taqaan Gaari Cabdi Bile, waxaana la sheegay labo ka mida ciidamda uu dhaawacoodu uu halis yahay.

Dhaawaca askarta ayaa la geeyay magaalada Baydhaba. Taliyaha Qeybta 60-aad  Bile Ibraahim Cali ayaa xaqiijiyay qaraxa ku dhacay askarta, wuxuuna sheegay in weerarkaasi kadib howlgal ay fuliyeen ay ku soo qabteen laba ruux  oo lagu tuhmay ay falkaasi ka dambeeyeen.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON