Wednesday, February 11, 2026

Qarax weyn oo ka dhacay magaalo ku taalla Dalka Mareykanka iyo Wararkii ugu danbeeyay…

Qarax weyn ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Nashville, Gobolka Tennessee ee dalka Mareykanka iyadoo maanta lagu jiro ciida Gaalada ee Nashville-ka.

Qaraxa ayaa dhacay iyadoo gaari laga shakiyey goobtaasi lagu arkay, xilli ay Booliska ku socdeen inay hubiyaan, iyadoo aan la ogeyn inuu qof ku jiray gudaha gaariga qarxay. Booliska ayaa sheegay inuu qaraxa ahaa mid ula kac loo sameeyay oo fal dembiyeed ah, sida Boolisku sheegay waxaa qaraxa ku dhaawacmay saddex qof.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa burbur weyn gaaray, waxaan weli socda gurmadka ciidamada, iyadoo qaraxu dhacay xilliga aroortii ee magaalada Nashville. Dadka dhowr ah ayaa isbitaalka la geeyay.

Qaraxa waxaa baaritaan ku haya ciidamada Booliska iyo FBI-da, waxaana la xiray goobta qaraxu saameeyay guud ahaan.

The scene of an explosion in downtown Nashville on Christmas morning.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON