Wararka ka imanaya magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday baabuur kuwa milatariga ah oo ay saarnaayeen ciidamada nabad ilaalinta ee ka socda dalka Kenya.
Baabuurkaas milatariga ah ayaa la sheegay inuu ka yimid dhinaca Kenya una soo socday dhinaca magaalada Dhoobley, waxaana uu ka mid ah saddex babauur oo ku jirtay roondo.
Warar aanu ka helnay ilo dhinaca milatariga ah ayaa sheegaya in baabuurkaasi uu gebi ahaantiis burburay.
Ugu yaraan toddoba ka tirsan ciidamada Kenya ayaa la sheegay inay ku dhinteen qaraxaasi laba kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu idaacadda VOA u sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo magaciisa qariyey.
Dadka degaanka ayaa iyagu sheegay in qaraxu saameeyey laba baabuur dhimashaduna intaasi ka badan tahay. Ururka Al-Shabab ayaa sheegtay inay dileen ilaa 15 askari oo reer Kenya ah. Dawladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan.